Dar-daarankii Sheikheenii Muhammad Rashad Mo'alim Ishak (Xafidahullah)
Inaa-lillaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun
Dhamaan walaalaha soomaaliyeed ee muslimiinta ah waxaan uga tacsiyeynaynaa geeridii ku timid Sheikheenii, Imaamkeenii, macalinkeenii Sheikh Muhammad Rashad Mo'alim Ishak.
Walaalayaal, sheikhu wuxuu geeriyooday Maalintii Carafa isaga oo gudanaya waajibaadka Xajka. Sheikhu wuxuu dhintay maalintaas aan soo sheegnay makaankuna wuxuu ahaa Makkah. Wuu xarmanaa, ilaahay haka aqbalo.
Waxay ii sheegeen walaalihii la joogay xiligaas inuu labo maalin kahor inuu sheikhu ku yiri "Walalayaal hadii saacadaydu gasho ha igu tukadaan(Janaasada) maalaayiinta muslimiinta ah ee waajibaadka xajka iyo salaada ciida gudanaya."
Ilaahay fadligii sheikha ilaahay wuxuu waafajiyey hadalkiisii. Wuuna ka aqbalay, wuxuuna geeriyooday maalintii Carafa. Waxaana ku tukaday dhamaan muslimiintii soo xajisay iyo kuwii deganaa dalka sacuudiga salaadii subax kadib.
Allahu Akbar. Allahu Akbar. Allahu Akbar. Allahu Akbar. Allahu Akbar.
Walaalayaal, waxaan rabaa inaan idiin soo gudbiyo hadalkii ugu danbeeyey ee sheikhu nooga tegay oo ahaa sidatan.
Wuu noo yeeray sheikhu intuusan ka dhoofin magaalada Ottawa maalintaas oo ku beeganeyd Khamiis, bishuna ay ahayd Labadii Dul-Hij, oo ku beeganeyd November 19, 2009. Wuxuuna igu yiri, "Walaalayaal, waxaan idinka dalbanayaa cafis. Dadkana iiga dalab cafis."
Walaalayaal sheikhu markii uu Airport-ka ka dhoofayey ee uu xaroonayey walaalkii qaaday ayuu aad inta laabta ugu qabtay mudo dhowr daqiiqo ah ayuu ku yiri, "Walaal, anigu inaan soo noqonaayo uma malaynayo ee masaajidka lacagta daynta ah ka bixiya. Ilaahay jannada ha idin geeyee."
Walaalayaal arinta labaad ee uu sheikhu ka dar-daarmay waa in inteena nool aynu bixino lacagta lagu leeyahay masaajidka uu aasaasay sheikhu ee Assalam Masjid eek u yaala magaalada Ottawa, lacagtaas oo cadadkeedu yahay $500,000.00 waxaanuna haysanaa fursad ah hadii aan sanad iyo sideed bilood lacagtaas ku bixino.
Walaalayaal sheikheenu wuxuu si geesinimo leh u xanbaaray isaga oo ilaahay u talo saartay dhamaan lacagtii iibka ee masjidka oo dhamayd $2,200,000.00 (labo milyan iyo labo boqol oo kun).
Hadaba, dhamaan walaalaha muslimiinta qaasatan kuwa soomaalida ee sheikha yaqaanay waxaan ka codsanaynaa in ay masuuliyadaas ilaahay hortiisa nala qaadaan, masuuliyadaas oo ay nala bixiyaan lacagtaas masjidka lagu leeyahay, gaar ahaan waxaan codsigaan u gudbinayaa culumada iyo Imaamyada soomaaliyeed ee ku nool North America iyo Yurub in ay xilkaas nalaga qayb qaataan insha Allah.
Ugu danbayntii walaal kasta oo doonaya inuu ka qayb qaato arintan khayria ah ee kamilaada Masaajidka Alle(sw) dhamaystirkiisa fadlna waxaad lasoo xiriirtaa.
Walaalayaal sheikhii wuxuu kaloo idinka codsaday inaan la ilaawin oo loo soo duceeyo insha Allah.
Walaalayaal ilaahay idankii masjidku waa dhamaanayaa (Insha Allah) Allah (sw) inaga ayuu inagu imtixaamayaa Allahna (sw) dad ayuu martabad ku gaarsiinayaa ee aan ilaahay ka barino inaan kuwaas ka mid noqono (insha Allah).
Walaal doolar hadaad ku darsato ilaahay jano ayuu kuugu bedeli karaa ee ha yaraysan sadaqada.
Walaalkiin Suleiman Osman Hersi
Tel 613 739-3939 Masjid Assalam
Tel 613 883-3939 Mobile



